Wasiirka Wasaarada Biyaha Oo Xilka Qaadis, Magacaabis Iyo Waxka Badal Ku Sameeyay Maamulka Biyaha Ee Gobolka Gabiley.
   August 12, 2020 - Written by admin
       
       
   
    
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye  Ayaa Xilka Ka Qaadis,magacaabis iyo waxka badal ku sameeyay maamulka wakaalada biyaha ee gobolka gabiley iyo  Iskuduwihii Wasaarada Biyaha oo uu xilkii laga qaaday masuul kale uu u magacaabay
Isagoo iskuduwaha Cusub ee wasaarada biyaaha Gobolka Gabiley usoo magacaabay Axmed Cismaan Axmed oo hore u ahaa maamulaha wakaalaada biyaha degmada Arabsiyo.
Dhanka  kale waxa wasiirka wasaarada biyuhu meesha ka saaray boosishankii maareyaha guud isagoo wakaalad kasta oo degmada katirsan umagacaabay maareeye