berberatoday.com
Ronaldinho Halyeey Kubbada Cagta Magac Weyn Kulahaa Oo Xabsi Saaxiib La Noqday”Waqtigu Walaal Ma Leh!
August 13, 2020 - Written by admin

Sports(Berberatoday.com)-Ronaldinho wuxuu qof walba ku xasuustaa xirfaddiisii kubadda cagta ee qeyrul-caadiga ahayd: Cag-wareejin, cidhib ku qaadashada kubadda, baaska aan qofka loo tuurayo la eegeynin iyo iyo dhoollacaddeyntiisa ay ka muuqdeen ilkihiisa dhaadheer.

Sannadihii 2000 ilaa 2011 oo ilil wuxuu xiddiggan u dhashay dalka Brazil kubadda cagta ka dhigtay mid uu siduu doono u maamusho.Tobankii sano ee lasoo dhaafayna wuxuu helay guulo iyo guul darrooyin ka badan kuwa uu wajihi karo ama maareyn karo ciyaartoy kasta oo ku nool dunnida.

 

Kaddib markii uu 2011-kii ka tagay kooxda AC Milan, isagoo ay da’diisu ahayd 30 sanno oo kaliya, wuxuu dhaxalkiisii dhinaca xirfadda uga tagay Neymar – oo ay isku waddan kasoo jeedaan, markaasna isagoo da’ yar soo ifbaxay.

Xilligaas wixii ka dambeeyay wuxuu si taariikhi ah ugu guuleystay tartanka Copa Libertadores, wuxuuna kasoo muuqday barnaamijyada Telefishinnada ee Carabta iyo xayeysiimaha suuqyada Ruushka.

Waxa uu xitaa ka qeyb galay filim Hollywood ah oo uu la jilayay atooraha caanka ah ee lagu magacaabo Jean-Claude van Damme.Sannadkan, wuxuu waayay xorriyaddiisa, munaasabadda sanad-guurada dhalashadiisa 40-aadna wuxuu ku qaatay xabsi ku yaalla waddanka Paraguay.

Dib haddaan u milicsanno sannadkii 2011-kii, markii uu Romaldinho funaanaddii diillimaha madowga iyo casaanka ahayd ee uu u xirnaa AC Milan u baddanay xagal 90 ah, uuna ku biiray kooxda Flamengo, tababarihiisii Talyaaniga ahaa oo lagu magacaabo Massimiliano Allegri wuxuu tallaabadaas ku tilmaamay “dookh aad u weyn oo dhinaca nolosha ah”.

Haddii si kale loo dhigana: ‘sababo aan ku saabsaneyn dhinaca kubadda cagta’. Sidaas si lamid ah, labadii sano ee uu joogay kooxda Paris St-Germain waxay u horseedeen ka tagitaan baddalay noloshiisa.Xirfaddiisii way sii yaraaneysay, dulqaadkana wuu kasii dhammaanayay.

Go’aankiisii uu isagoo wali aysan da’da ka daba imaanin ugu wareegay dalkiisa hooyo ayaa aad uga yaabiyay ciyaartoygii ay xulka qaranka iskula jireen ee Rivaldo, kaasoo ay Koobkii Adduunka iskula guuleysteen sanadkii 2002-dii“Xoogaa kale ayuu iska sii joogi karay Yurub, laakiin wuxuu qaatay go’aan shakhsiyeed,” ayuu yidhi Rivaldo oo la hadlayay BBC Sport.

“Wuxuu dareemay inuu soo gabagabeeyay taariikhdiisa ciyaareed ee halkaas, sidaas darteed wuxuu doonayay inuu soo laabto oo uu si qurux badan kusoo gabagabeeyo xirfaddiisa, isagoo u dhow qoyskiisa iyo saaxiibbadiis.”

Intii uu ku guda jiray noloshiisii kubadda cagta, Ronaldinho waligiis kama uusan fogaanin indhaha dadka. Laakiin hadda xaaladda uu wajahayo waa mid aad uga khatar badan wax kasta oo horay usoo maray.

Ronaldinho, oo magaciisa dhabta ah uu yahay Ronaldo de Assis Moreira, wuxuu kusoo koray xaafad lagu magacaabo Vila Nova, oo ku taalla dhinaca koonfureed ee magaalada Porto Alegre ee dalka Brazil.

Hooyadiis Miguelina waxay waxyaabaha la isku qurxiyo kuwareejin jirtay guryaha, halka aabihiis, Joao, uu habeenkii waardiye ka ahaan jiray goob gawaadhida la dhigto oo xaafaddiisa u dhaweyd.Markii uu walaalkiis ka weyn, Roberto Assis, oo ciyaartoy ahaa, koox rasmi ah heshiis u saxiixay heshiis, iyagoo ay da’dooda tahay 17 sano, waxaa la siiyay guri qaali ah.Kubadda cagta, gaar ahaan kooxda Gremio, ayaa kaalin weyn ka qaadatay in qoyskan ay kasoo baxaan noloshii faqriga ahayd.

Mar Ronaldinho sanadkii 2015-kii la weydiiyay ciyaartoydii uu ku dayan jiray ayuu warbaahinta FourFourTwo ugu jawaabay: “Walaalkey Asis, Rivelino, Romario, Ronaldo, Rivaldo iyo Diego Maradona.”Isla gurigii qaaliga ahaa ayaa saldhig u noqday musiibo wax ka baddashay noloshiisa, waxayna labada ciyaartoy ee walaalaha ah noqdeen kuwo isku dhow.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews