Geel Uu Soo Ritay Xannuun Faro Ba’an Ku Haya Noloshoodda Iyo Walaaca Soomaalidda
August 16, 2020 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Xoolo dhaqatada ku nool deegaannada waqooyi bari ee Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay walaac ka muujinayay cudur ay sheegeen in uu laynayo geelooda, dadka qaar waxay sheegayaan in cudurkan uu yahay hargeb daran oo saamayn ku haya geela.
Maxamed Cabdi Shaalle oo ah wasiirka beeraha iyo xanaanada xoolaha ee maamulka Gaarisa ayaa BBC u xaqiijiyay in cudurkan u ku dhacay qaar ka mid ah geela gobolka isla markaana baadhitaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in uu yahay cudur ka dhasha bakteeriyada.
