“Somaliland Beelaha wada Degaa leh, Waana In Loo Caddaalad Sameeyo..”Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud
August 16, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, kana soo jeeda gobolka Sanaag, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan wakhtiga ay Komishanku soo jeediyey inay ku qaban karaan Doorashooyinka, waxaanu xusay in wakhtigaas lagu dhameeyo wax kasta oo dib u dhac keenaya.
Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud,oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika oo aannu warkan ka soo xigannay, ayaa yidhi; “Komishanku muddo ayey qabsadeen, muddadaas ay qabsadeena, waxay ku sheegeen inay Doorashooyinka ku qaban karaan, kolay iyaga ayaa xilka iska leh, isla markaana awooda ay ku qaban karaan Doorashooyinka sheegi kara.”