Badhasaabka Togdheer Oo Ka Hadlay Dib U Dhiska Uu Ku Samaynayo Hoygii Somaliland Lagaga Dhawaaqay
June 2, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Md. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), ayaa ka hadlay khilaafkii dhawaan ka dhex dhashay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Burco oo sababtay in Laba Maayar la sameeyo, blasé markii dambe uu badhasaabku ku guulaystay inuu xaliyo.
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay hindisayaal cusub oo uu ka wado Gobolka, waxaanu si gaar ah u sheegay inuu dhisayo Goobtii lagaga dhawaaqay la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Khilaafkaasi wuu jiray carab iyo labadiisa daan baa is qaniina, khilaafkaasina wuu soo jiidamayey balse sida aanu baahinay waxaanu ka dhignay khilaafkii xalay dhalay, waanu isku gacan saarnay, si fiican bay isku laab xaadheen, waana iska hunguri siyaasadeed kursiga aniga ku wanaagsan iyo aniga ku wanaagsan, waxay ahaayeen saaxibo markii hore wada socday, markii dambena hunguri kala galay, waanu isku soo dhaweeynay hawshaasina si fiican bay u dhamaatay, Golaha Deegaankuna wey ku mideeysan yihiin Maayarkii iyo Maayar ku xigeenkoodii hore u maamuli jirayna sidii bay u shaqeeynayaan.