berberatoday.com
Wararkii Udambeeyey Ee Weerarrada Al-Shabaab ku Qabsatay Huteellada Muqdisho Iyo Tirada Dhimashada
August 17, 2020 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Faafaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar loo adeegsaday gaari waxyaabaha lagasoo buuxiyay oo lagu qaaday hotel Elite oo kuyaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

In ka badan 10 qof oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladdeed ayaa ku dhintay ku dhawaad 30 kalena way ku dhaacmeen weerarkaan oo isugu jiray ismiidaamin iyo dabley hubaysan oo  weerar ku qaadday hotelka oo xilligaas ay ku sugnaayeen dad u badan masuuliyiin iyo siyaasiyiin.

Wararka la xaqiijiyay waxay sheegayaan in weerarkaas ay ku dhinteen agaasimihii wasaaradda warfaafinta ee xidhiidhka gobolada Cabdirisaaq Cabdi Cabdullaahi iyo sarkaal katirsanaa wasaaradda gaashaandhiga.

Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaan, waxayna sheegeen inay hotel ku sugnaayeen masuuliyiin katirsan dowladda oo si dhow xidhiidh ula lahaa madaxweyne Farmnaajo.

Dad badan oo ku go’doonsanaa hotelka oo ay kamid ah saraakiil dowladda katirsan iyo dad shacab ah ayay ciiddanka amniga kasoo badbaadiyeen.

Milkiilaha iska leh Hoteelka galabta la weeraray Cabdullaahi Maxamed Nuur oo kamid ahaa dadkii lagasoo badbaadiyay hotelka ayaa sidan yidhi.” Dhammaan allah ha un naxariisto inti ku dhimatay weerarki galabta ay dagaalamayaasha Al-shabaab ku soo qaadeen shacab soomaaliyeed gaar ahaan Hotel Elite oo aan xilligaas ku sugnaa inta dhaawaca ahna allah bogsiiyo, waana caafimaad dhamaan ehel iyo asaxaaba” ayuu yiri Milkiilaha Hoteel Elite Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Dowladda federalka weli si rasmi ah ugama hadlin weerarkaan oo noqonaya markii ugu horeysay in muddo ah oo hotel kuyaala Muqdisho weerar lagu qaado, taasoo waayihii ugu dambeysay hoos u dhacday.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews