Golaha Guurtida Oo Xukuumadda ku Cannaantay Goobaha Caafimaadka Gaarka Loo Leeyahay Ee Dadka Lagu Furto
August 17, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Weli Warsame oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, ayaa xukuumadda ku cannaantay goobaha adeeg bixinta caafimaadka gaarka loo leeyahay, baadhashada iyo furashada ay bulshada ku hayaan ee danyarta oo aan awoodeyn nin aragtidii kaga iibiyaan qiimahey doonaan intaan baadhis iyo daaweyn la gaadhin.
Xildhibaan Maxamed Weli Warsame ayaa intaas ku daray in loo baahan yahay in dawladu wax ka qabbato sicirka aan xad laheyn ee qof ku araga ah ee goobaha caafimaadka gaarka loo leeyahay ay sharciyeysteen, waxaanu ku taliyay in qiimo go’an oo umaddan danyarta u badani qaadi karrto ay dawladu u goyso.