“Dad Badan Ayaa Is Waydiiya Sababta Qofku Wuxu Diidanaa, Haddana Isla Isagii U Sameeyo?!Profesor Cabdi Cali.
August 18, 2020 - Written by admin
Su’aasha Jawaabteeda Waa Lagu hayaa kitaabka Psychologiga Mana aha cilmi cusub; sababtu waxa weeye qofka Bani’aadamka ah waxa ku abuuran wax ay culimada Cilmi Nafsigu u bixiyeen Narcissistic element oo macnaheedu yahay In qofku wax kasta oo uu samaynayo ama lagu sameeyo uu Miqyaas uga dhigo naftiisa; dee, markaa in la fahmo hab-dhaqanka caynkaas ah way iska fududahay; markii hore ee uu waxan samaynayay isaga nafci bay u lahayd, cid kalena madarro ayay u lahayd, immika marka lagu sameeyo isla wixii, dee madarro ayay isaga u leedhay, waana sababta uu la qaylinayo!
Haddaba abuurteena wuu ku jiraa cunsurkaa Nasrcisstic ga ahi, laakiin dadka wuu ku kala badan yahay; qaar innaga mid ah wuu ku yar yahay cunsurkani, sidaa darteed waxa laga yaabaa in aanay samayn ba wax dadka madarro ku ah, anfac kasta oo ay naftiisa u leedahay; haddii ay sameeyaana, damiirkooda ayaa karbaashaya, oo caado kama dhigan karaan; kuwo labaad oo innaga mid ahi waa dhexdhexaad oo waxa laga yaabaa in caqligoodu badh qabto oo uu garto qaladka uu ku jiro. laakiin waxa jira kuwa saddexaad oo uu ku badan yahay cunsurkani; kuwaasi marka uu soo galo meesha arrin iyaga u dan ah, madarrana u leh cid kale, caqliga ba waa laga rafciyaa, haddii uu muslin yahayna waxan odhan karnaa iimaanka ba waa laga siibaa, oo sidii qof waalan oo kale oo dardaran ayuu u dhaqmaa!! dhag la qabtana ma leh oo caqligoodu markaas oo kale shaqada wuu joojiyaa!