Haweenayda Madaxweynaha Ka Ah Dalka Taiwan Oo Si Yaab Leh Uga Hadashay Xidhiidhka Dilmaasiyadeed Ee Somaliland Iyo Dalkeeda Ubilaamay”Daawo Muuqal
August 18, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Taiwan, Mrs. Tsai Ing-wen, ayaa sheegtay in xidhiidhka ay la yeesheen Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid ay ku wadaagaan dhinacyada qiyamka dimuqraadiyadda, Xornimada, Caddaaladda iyo isku-xukunka sharciga.
Madaxweynaha Taiwan, ayaa farriin muuqaal ah oo ay soo duubay maanta lagu soo bandhigay xafladda ay dawladda Taiwan ku furatay Safaaraddeeda Somaliland, waxanay ku sheegtay inay ka go’an tahay dalkeeda inay Somaliland kala shaqeyso Arrimaha Beeraha, Kallumaysiga, Macdanta, Caafimaadka, Tamarta, Waxbarashada iyo Wararka iyo wada-xidhiidhka.