Xisbiyada Mucaaradka Ah Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Xal Ka Gaadho Dagaal-beeleedka Soo Noq-noqda
August 18, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI, ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay xal deg-deg ah ka gaadho dagaal-beeleedyada soo noq-noqonaya ee ka dhaca deegaano ka tirsan Gobollada Bariga dalka, waxayna si gaar ah tallooyin ugu soo jeediyeen labada Beelood ee dagaalku dhexmaray, waxayna kula taliyeen inay dagaalka iyo colaadda si bilaa shuruud ah ku joojiyaan.
Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jamaac Xaamud iyo Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi wuxuu hadalkiisi ku bilaabay “Dagaal wiil kuma dhasho ee wiil baa ku dhinta, dagaalna dhib iyo khasaare mooyee, tacab iyo faa’iido ma leh, aad iyo aadna waanu ugu xunnahay dagaalkan dhexmaray labadan beelood ee walalaha ah, waxaanu leenahay si bilaa shuruud ah ku joojiya dagaalka oo ALLE ka cabsada, dagaalka bilaa sababta ah iyo in qof bilaa sabab lagu dilo, waxaa lagu mutaystaa cadho ALLE iyo naar, ee ALLE u soo noqda oo heshiis qaata, Wefti ayaa ku baxay, laakiin Dawladdu ha ku dedaasho inay soo af jarto oo wax ka qabato dagaal-beeleedyada kolba soo noq-noqonaya oo xal iyo heshiis waara ha ka gaadho”.