Wasiir-xigeenka Amniga Oo Ka Hadlay Xaaladda Gobalada Bari –
June 2, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiir ku xigeenka Amniga Maxamed Muuse Diiriye ayaa digniin culus u diray Cali Khaliif Galaydh oo uu sheegay inuu ku fashilmay siyaasadii, waxaanu tilmaamay in aanay cidna ka yeeli doonin qas iyo fidno dalka laga abuuro.
Wasiir ku xigeenka Amniga Maxamed Muuse Diiriye oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Musharaxa u tartamaya masabka Madaxweyne ee Somaliya oo la sheegay inuu yimid deegaano ka tirsan Somaliland isagoo sita Calanka Somaliya, waxaanu yidhi “Cali Khaliif haddii uu wax tarayo oo uu awood leeyahay Buhoodle ayuu joogi lahaa oo laga saaray, iskaga baxna la yidhi, marba meel ayuu ku meeraystaa oo uu cagaha dhigaa, hawshiisi waa iska sidaas, awood badan oo uu xaggaas ku leeyahayna ma jirto, waana nin ay siyaasadu ka qasantay, siyaasada haddii aad mar iyo laba iyo saddex jeer ku saaqido waa la iska fadhiistaa, Cali Khaliifna waxaan kula talin lahaa inuu iskaga fadhiisto siyaasada.