Hay’ad Caalamiya Oo Sheegtay In Hubka Iiran Siiso Xuutiyiinta Yemen Loo Iibgeeyo Soomaaliya
August 20, 2020 - Written by admin
Yemen(Berberatoday.com)-Barnaamijka caalamiga ah ee dambiyada abaabulan, ayaa sheegay in ay heleen caddaymo la rumeysan karo oo sheegaya in waddanka Iiraan ay hub siiso mucaaradka sokeeye ee Yemen, laakiin shabakadaha dambiilayaasha ah ayaa laga yaabaa inay hubkaasi ka ganacsadaan gaar ahaan una iib geeyaan dhinaca dalalka Geeska Afrika gaar ahaan waddanka Soomaaliya.
Baadhayaasha ilaalada hubku waxay la xidhiidheen nin ganacsade ah oo Soomaali ah oo xaruntiisu tahay magaalada Sanca ee dalka Yemen, kaasoo muddo toddobaadyo ah sharraxaad ka bixinayay hawlgalkiisa.