Tahriibayaal Badan Oo Ku Dhintay Xeebta Dalka Liibiya.
August 20, 2020 - Written by admin
Liibiya(Berberatoday.com)-Hay’adaha UNHCR iyo IOM ayaa Arbacadii shalay qeylo-dhaan kasoo saaray xaalada Tahriibayaasha ku sugan dalka Liibiya.
Isniintii lasoo dhaafay ayey 45 qof oo Tahriibayaal ah oo ay ku jiraan 5 carruur ah ku dhinteen xeebta wadanka Liibiya, kadib markii ay burburtay doontii ay saarnaayeen.
Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya doonidan ku degtay xeebta nawaaxiga magaalada Zwara, ayaa sheegaya in 37 qof nolol ay kusoo badbaadiyeen kaluumeysatada magaaladaasi.