Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo War Kasoo Saaray Xil Ka Qaadistii Ra,iisal Wasaare Khayre Iyo Doorashooyinka Soomaaliya
August 21, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xil ka qaadistii uu golaha shacabka Soomaaliya ku sameeyey ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
António Guterres, oo soo saaray warbixinta QM ee xaaladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay in xil ka qaadista deg degga ah ee Kheyre ay waxyeeleyn karto heshiisyadii lagu gaadhay shirkii Dhuusamareeb.
Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ka welwelsan yahay inay waxyeeleyso howlgallada amni iyo kuwa siyaasadeed ee kala guurka ah ee socda, iyo sidoo kale isbedelladii amni iyo dhaqaale ee uu hoggaaminayey Kheyre.