Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujisay Ka Maqnaansha Puntland & Jubaland Ee Shirka Dhuusamareeb 3
August 21, 2020 - Written by admin
New York(Berberatoday.com)-Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Ambassador James Swan, ayaa arrin laga xumaado ku tilmaamay in Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland diidaan codsiyo isdaba-joog ah oo ay ka heleen hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah, si ay shirka Dhuusomareeb-3 uga qeyb-qaataan.

Ambassador James Swan, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay warbixin toos ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya siinay fadhiga guud ee golaha Qaramada Midoobay oo ka furmay magaalada New York ee dalka Maraykanka.