Xafiiska Taiwan Ee Hargeysa Oo Bilaabay Inuu Ganacsatada U Fiiseeyo Baasaaboorka Somaliland
August 23, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xafiiska Dawladda Taiwan ka furatay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa si rasmiya u bilaabay shaqadiisa.
Xafiiska Taiwan ee Hargeysa ayaa shaqooyinka uu bilaabay waxa ka mid ah inuu Ganacsatada Somaliland u fiiseeyo Baasaaboorka Somaliland, si ay ugu safraan Dalka Taiwan.
Wargeyska Geeska Afrika ayaa loo sheegay in Xafiiska Diblumaasiyadeed ee Dawladda Taiwan ka furatay Hargeysa uu si rasmi ah u bilaabay inuu Ganacsatada doonaya inay u safraan Taiwan uu u fiisaynayo Baasaaboorka Somaliland.