Masuul Xisbiga Waddani Katirsan Oo Xukuumadda Somaliland Ugu Baaqay Inay Joojiso Wada-hadallada Soomaaliya
August 23, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Yuusuf, oo ka mid ah Xisbiga mucaaradka ee Waddani, ayaa farriin u diray Xukuumadda Somaliland, waxaanu ugu baaqay inay joojiso wada-hadallada Soomaaliya.
Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Yuusuf, ayaa sidoo kale ku taliyey in wax kasta oo dib u dhac ku keenay Doorashooyinka in la sii dhammeeyo, waxaanu ugu horeyn yidhi “Wada- hadallada Somaliland iyo Soomaaliya dhexmaray, mar kasta waxaa ku xad-gudubta oo jabisa Soomaaliya, mar ay Somaliland jebisay ma jirto, waxaana muhiimaddu ahayd in labada dhinacba tixgaliyaan qodobbada lagu heshiiyey, laakiin mar haddii ay hadda Soomaaliya ka xanaaqday heshiiska ina dhexmaray Taiwan, oo ay ku doodayso inay ina xukunto, iyada oo aan ina xukumin, mar haddii ay inagu waddo olole ka dhan ah jirtaankeena, Xukuumadda talada dalka haysa waxaan ugu baaqayaa inay joojiso wada- hadallada Soomaaliya, walibana wax ha laga qabto wax kasta oo inaga dhan ah oo ay inagu waddo”.