“Loo Joojin Maayo, Cid Neceb Iyo Cid Jecelba, Doorasho Way Dhacaysaa Qabiilka Hala Joojiyo”Faysal Cali Waraabe.
August 26, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga ucid eng faysal cali waraabe ayaa soo dhaweeyay hadalkii madaxwayne biixi ee uu kaga hadlay arimaha doorashooyinka iyo xiliga ay qabsoomayaan isagoo soo dhaweeyay kuna tilmaamay in ay ahayd khudbad qaran oo uu kaga hadlay arimo muhiim ah
Sidoo kale gudoomiye faysal cali waraabe ayaa hadlay kulamo ay la yeesheen komishanka iyo jidwal qabsoomida doorashooyinka ee ay soo bandhigeen,
Dhanka kale gudoomiye faysal cali waraabe ayaa ku baaqay in la joojiyo qabiilada cabanaya iyo reeraha la eedayno cidii tabasho qabtaana ay ka cabato maamulka.