Dhaqdhaqaaqa Xisbiga KULMIYE Oo Laga Dareemayo Hargeysa Iyo Maxamuud Xaashi Oo Weli Keli Ku Ah Tartanka Guddoomiyaha
August 26, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Iyadoo oo uu soo dhawyahay wakhtigii loo qabtay in la qabto shirweynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE ayaa waxa Magaalada Hargeysa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa siyaasiyiinta uu hungurigu ka hayo hoggaanka Xisbiga KULMIYE.
Inkasta oo ay adag tahay in Madaxweyne Biixi lagula tartamo Guddoomiye-nimada Xisbiga KULMIYE, haddana waxaan weli halkiisii taagan oo aan wax isbeddel ah laga haynin dhawaaqii uu Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ku sheegay inuu u tartamayo Guddoomiyaha xisbiga, laakiin Ifafaalaha soo baxaya ayaa muujinaya inay Maxamuud Xaashi ku adkaan doonto inuu ka dhex tartamo Xisbiga KULMIYE, waxaana la filayaa inuu Maxamuud Xaashi uu ugu yaraan Warbaahinta la hadlo inta aan la gaadhin wakhtiga loo qabtay qabashada Araajida Siyaasiyiinta damaca.