Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qaabilay Aqoonyahanad ku Xeel Dheer Arrimaha Ataarta Qadiimiga ah.
August 27, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta qaabilay Aas-aasaha, ahna agaasimaha fulinta ee ururka Horn Heritage Organization, Dr. Sada Mire.
Ugu horrayn agaasimaha ahna Aas-aasaha ururka, Dr. Sada Mire ayaa madaxweynaha warbixin iyo sharraxaad dheer ka siisay muhiimadda ay qaranka u leeyihiin goobaha taariikhiga ah ee ku duugan dalka oo ay ku samaysay cilmi-baadhis qoto dheer taasoo muddo qaadatay, iyadoo wakhti gelisay sidii dadka ku dhaqan Somaliland wax uga ogaan lahaayeen taariikhihii qadiimka ahaa ee uu soo maray dalkoodu qarniyadii kala danbeeyey.