Danjire U Dhashay Taiwan Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Dalkiisa Iyo Somaliland
August 27, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wakiilka Taiwan u fadhiya Sweden Mr. Vincent Yao, ayaa ka hadlay muhiimada xidhiidhka dalkiisu la yeeshay Jamhuuriyadda Somaliland.
Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Wakiilka Taiwan u qaabilsan Sweden Mr. Vincent Yao, oo u sheegay idaacadda Radio Sweden in cilaaqaadka ay la yeesheen Jamhuuriyadda Somaliland ay ku doonayaan inay ku sii ballaadhiyaan joogitaankooda diblomaasiyadeed ee Afrika, waxaanu tilmaamay inay Somaliland ku taallo Bogcad muhiim ah.
