Raisul Wasaarihii Hore Ee Dawlada Xamar Xasan Cali Khayre Oo Laga Hor Istaagay Inuu Ka Dhoofo Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho
August 28, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlayey munaasabad lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in weli dowladda Soomaaliya ay wado tacadiyada ay ku heyso siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiintii hore.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa khudbaddiisa ku sheegay in maalintii Arbacada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde lagu celiyey Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, kadib markii ay is hortaag ku sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Somalia.
