Xildhibaan Reer Awdal Ah Oo Shaaciyey Inaanay Ku Qanacsanayn Go’aanka Maxkamadda Sare Ka Soosaartay Doorashada
August 29, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdiqaadjir Jibriil Tukaale oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somalilad ee soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa sheegay in aanay sinaba u ogolaan doonin go’aanka Maxkamadda sare ee ku saabsan in Doorashada Golaha Wakiilada lagu galo sidii hore.
Xildhibaan Cabdiqaadjir Jibriil Tukaale oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Go’aan iyo shuruuc ay soo saarto Maxkamadda Dastuuriga ah go’aan ku lid ah Maxkamaddu kama soo daba saari karto, waana khalad, Waayo? hore ayey Maxkamadda sare ee Somaliland u go’aamisay in Doorashada dambe ee Golaha Wakiilada lagu galo saami qaybsi, markaa go’aanka Maxkamadda sare kuma qanacsanin, waxaanu yeelaynayna maaha ee dantu waxay nagu kalifaysaa in aanu Maxkamadda heeg tagno”.