Guddiga Arrimaha Gudaha Ee Golaha Wakiillada Oo Laalay Kootadii Haweenka
August 31, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddi hoosaadka Arrimaha gudaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Shalay Gole-weynaha Wakiillada u gudbiyey isla-markaana soo bandhigay Wax ka beddel ay ku sameeyeen Xeerka doorashooyinka, waxayna soo jeediyeen in qodobbada ay wax ka beddelka ku sameeyeen sidaa lagu ansixiyo.
Qoddobada ay wax ka beddelka ku sameeyeen isla-markaana Farqadihiisa qaarkood wixii ay dhigayeen Laaleen waxa ka mid ah Qodobka 76-aad ee Xeerka doorashada, kaasi oo Farqaddiisa 5-aad ka hadlaysay Kuraasta Kootada ah ee Haweenka loo qorshaynayo, laakiin Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiilladu waxay sheegeen inay laaleen Qodobkaasi, maadaama uu ka hor imanayo Dastuurka oo sheegaya in Muwaadiniinta Somaliland u siman Sharciga hortiisa marka ay tahay doorashada, sidaasi darteedna aanay jirin wax Kooto ah oo Dastuurku sheegay.