Suldaanka Guud Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Marxaladda Dalku Marayo, Tallooyin Muhiim Ahna Soo Jeediyey
August 31, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa ka hadlay marxaladda dalku marayo, gaar ahaan Siyaasadda Arrimaha Gudaha, Siyaasadda Arrimaha Dibedda, heshiiska Xisbiyada iyo wakhtiga ay Komishanku ku qabsadeen inay Doorashooyinka ku qaban karaan.
Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ayaa isagoo ugu horeyn ka hadlaya Siyaasadda Arrimaha Dibedda wuxuu yidhi “Inaynu xidhiidhka aynu la leenahay Beesha Caalamka soo koobno maaha ee inaynu balaadhino ayey danteenu ku jirtaa, maxaa yeelay waxaynu nahay dal ictiraaf doon ah, sidaas oo ay tahay mar haddii aynu nahay dal ictiraaf doon ah, waa inaynu garaacno albaab walba oo caalamka ah, oo waa inaynu waddan walba la xidhiidhnaa, Taiwan oo qudha maaha ee Waddan kasta aynu la xidhiidhno cidda doonta ha xanaaqdee, maxaa yeelay Ictiraaf aynu xaq u leenahay ayaynu raadinaynaa oo aynu baadi goobkiisi ku jirnaa, Dal kasta oo aynu xidhiidh la samaynana waa inaynu u soo bandhignaa inaynu nahay Waddan jira”