berberatoday.com
Dhaqaalihii Dawlada Mareykanku Siin Jirtay Itoobiya oo La Hakiyay Iyo Sababta
August 31, 2020 - Written by admin

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dawlada Maraykanka ayaa shaacisay in ay hakinayso kaalmadii dhaqaale ee uu siiyo Dalka Itoobiya, Taasi oo salka ku haysa khilaafka ka taagan biyo-xidheenka uu waddanka itoobiya  ka dhisayo webiga Nile.

Jariirada Foreign Policy ee ka soo baxda Maraykanka ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay saameyn karto 130 milyan oo dollar oo ay xukuumadda Washington ku kabto Ethiopia.

Tallaabadan oo uu meel-mariyay xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka Mike Pompeo, ayaa sii xumeyn karta xidhiidhka u dhexeeya Washington iyo Addis Ababa, xilli Itoobiya ay wado qorshe ay ku buuxineyso biya xidheenka uu muranka ka taagan yahay.

Sida ay sheegtay jariirada Foreign Policy, dhaqaalaha uu doonayo Maraykanka inuu hakiyo ayaa saameyn ku yeelan kara dhinacyada ammaanka, la dagaallanka argagixisada, tababarka ciidamada iyo ka hortagga tahriibka ee Itoobiya.

Jariirada oo soo xigatay mas’uuliyiin ka tirsan congress-ka ayaa sheegtay inay dhici karto in lacagtaasi ay ka yaraato 130-ka milyan ee la qiyaasay.

Haddii ay dhaqangasho hakintan, waxa ay caqabad ku noqon kartaa qorshaha Itoobiya ay ku buuxineyso biyo xireenka, sida ay qabaan khubarada ka faalooda xiisadda ka taagan webiga Nile.

Mas’uuliyiin ka tirsan Itoobiya ayaa horay u sheegay in Maraykanka uu u xaglinayo dhanka Masar oo doonaysa in heshiis laga gaaro buuxinta biyo xireenka.

Masar ayaa ku doodaysa in biyaha Nile ay u leeyihiin mudnaan amniga qarankeeda kamid ah, waxaana warbixin uu bishii July daabacay Mac-hadka Qorsheynta Qaran ee dalkaasi lagu sheegay in 12 nooc oo kamid ah kalluunka ay dabargo’i doonaan biyo xireenka awgii.

Wada xaajoodkii ugu dambeeyay ee wasiiradda biyaha ee dalalka Itoobiya, Masar iyo Sudan ay Jimcihii ka yeesheen arinta biyo xireenka ayaa ku soo idlaaday natiijo la’aan

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews