berberatoday.com
“Imaaraadka Waxaa Raacday Ceeb Aan Abidkood Ka Hadhi Doonin…” Hoggaamiyaha Sare Ee IRAN Ayatollah Ali Khamenei
September 2, 2020 - Written by admin

Tehran(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha sare ee Iran ayaa ku eedeeyey Imaaraadka Carabta inay khiyaameeyeen dunida muslimka, markii ay go’aansadeen inay xidhiidh la yeeshaa Israa’iil.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa khudbad laga sii daayey taleefishinka salaasadii waxa uu ku sheegay in Imaaraadka ay dhabarka ka mindiyeeyeen Islaamka, ayna weligood ceeb ku noolaan doonaan.

“Dabcan, khiyaanada Imaaradka masii jiri doonto, hase yeeshee ceebta ka raacday weligeed waa la xusuusan doonaa,” ayuu yidhi Ayatollah Ali Khamenei.

“Waxay maamulka Saxnuuniyadda u ogolaadeen inuu gobolka soo galo, waxayna hilmaameen Falastiiniyiinta. Imaraadka weligood waa ay ceebeysnaan doonaan. Waxaan rajeynaa inay soo baraarugaan oo ay magdhow ka bixiyaan wixii ay gaysteen,” ayuu yidhi

Mas’uuliyiinta Iran ayaa si xooggan u cambaareeyey heshiiska Mareykanka uu fududeeyey ee Israa’iil iyo Imaaraadka, waxayna ka digeen in xidhiidhkooda uu dagaal ka hurin karo gobolka.

Dhinaca kale, sarkaal u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka Jamal al-Musharakh ayaa ku gacan seedhay hadallada Khamenei, wuxuuna sheegay in “waddada nabadda iyo barwaaqada aan lagu gaadhin hadallada naceybka iyo hurinta ku dhisan,”

“Hadallada noocan ah waxay lid ku yihiin nabadda gobolka,” ayuu yidhi Musharakh.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews