“Waxa Nasoo Kiciyey In Aanu Dayarta Soo Koraysa UCadayno, In Ay Been Ahayd Ohinta, Ay Ooyayeen,Wixii Madasha Kaga Hadleena Uu Ahaa Xumaan Aan Jirin..”Suldaan Naasir.
September 3, 2020 - Written by admin
“Haddi Ay Run Ku, Oyeen Illahay Ayaa ku Garab gali. Haddii Ay Been ku Oyeena, Wiixi Ay Halka Kaga Hadleena Ay Ahayd Been, Waxay Abuureen Arin Fool xun Oo ka Tagi Doonta Raad Aad Iyo Aad Khatar Ugu Ah Ilmaha Dhasha Boqolka Sano Ee Soo socda,Suldaan Naasir
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaan Naasir Suldaan Cabdi oo kamid ah madaxdhaqameedka Somaliland gaar ahaan Beelaha gabooye ayaa si adag uga falceliyay hadalo maalin dhawayn ay bulshada ka hor jeediyeen siyaasinta barkhad jaamac batuun Afhayeenka wadani iyo wasiirkuxigeenka caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri kuwaasi oo fagaare kaga hor ooyay bulshada iyagoo sheegay in la takooray.