“Jagooyinka Xisbiga Maaha In Cid Gaar Ah Kooto Loogu Xidho ” Jaamac Shabeel Oo Ka Hadlay Loolanka KULMIYE
September 6, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), ayaa ka hadlay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee la filayo inuu dhaco horraanta bisha dambe, waxaanu tilmaamay in si caddaalad ah aan loogu tartamayn ee cid gaar ah kooto loogu xidhayo, xilli uu shalay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Qabo uu sheegay in loo diiday, lacagtiina dib loogu soo celiyey.
Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Kolay si faah-faahsan baan uga hadli doonaa arrinka Xisbiga kulmiye, laakiin wax qarsoon maaha cadaalad-darrada ka dhex jirta Xisbiga Kulmiye iyo sida aan raalli looga ahayn in si caddaalad ah looga dhex tartamo, Masuuliyiinta hanka leh ee Xisbiga Kulmiye ku jira ee raba inay tartamaan in hankooda laga dhigo ila meerayso waa caddaalad-daro, jagooyinka Xisbiga maaha in cid gaar ah kooto loogu xidho ee waa in si caddaalad ah loogu dhex tartamaa, qofkii han leh ee Xisbiga ku jiraa uu hankiisa ku muujiyo, laakiin in ila meerayso hankiisa laga dhigo oo kolba wax kale lagu marmarsoodo meesha kuma jirto..”