“Kadib Markaan Garwaaqsaday Inaan Joogo Xiligiii Ugu Haboonaa Ee Caqli Ahaan, Awood Ahaan Iyo Fursad Ahaanba Inaan Isu Soo Taago U Adeegista Degmadayda Iyo Dadkeedaba”Musharax Gole Deegan Maxamed Jaamac Liiban
September 7, 2020 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Eng.Maxamed Jaamac Liibaan oo kamid dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Reer Berbera islamarkaana nin dhalinyaro ah oo mudakara aqoontiisa kobciyay dalka debediisa iyo gudiihsa wax ku bartay ayaa shaaciyay inuu utaganyahay kamid noqoshada xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Berbra waxaanu sidaas ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka Qoraalkaasina waxa uu udhignaa sidan hoos ku qoran”
بِسْمِ اللّٰهِ الرَّحْمٰنِ الرَّحِيمِ
Shaacin Musharaxnimo xildhibaan gollaha Degaanka ee Degmada Berbera ee Dorashada 2020
Kadib markaan garwaaqsaday inaan joogo xiligiii ugu haboonaa ee Caqli ahaan, awood ahaan iyo fursad ahaanba inaan isu soo taago u adeegista degmadayda iyo dadkeedaba, waxaan go,aansaday inaan isu soo taago Musharaxnimada gollaha Degaanka ee degmada Berbera ee Doorashada la filayo inay qabsoonto 2020.
Sidaas darteed dadkaygii sharafta lahaayow anigoo ah Eng Maxamed Jaamac Liiban waxaan mar labaad idiin cadaynayaa inaan ahay Musharax u taagan doorashada gollaha deegaanka ee fooda inagu soo haysa, anoo haduu alle idmo wata afkaar, aqoon iyo waayo aragnimo aan kaga qayb qaadan doono idam alle hayaanka horumarineed ee Degmada Berbera ee soo socday in muda ahba.
Waxaan filayaa in la joogo xiligiii dhalinyarta aqoonyahanka ahi ay u istaagi lahaayeen inay u adeegaan bulshadooda una isaagaan inay u tartamaan xilalka hogaamineed ee ay dadkooda iyo deegaankooda ku horumarin karaan is bedel dhab ahna ka samayn karaan,
Waxaan kaloo qabaa inaan maanta ku hubaysnahay xogtii aqoontii iyo waayo aragnimadii looga baahna xubinta isu soo taagaysa Golle deegaan. Degmada Berberi waa magaalo aan ku soo qaatay cimrigayga intiiisi badnayd haday tahay waxbarasho iyo shaqoba. Waa Magaalo aan jeclahay inay ahaato Magaalo bilic iyo maamuus leh mar walba.
Hadaba si aan u Rumeeyo himiladayda iyo tiinaba . Musharax baan ahay Marti u ah Codka bulshadayda karaamaysan ee Reer Berbera