|
berberatoday.com
Dib U Milicso Heshiiskii Burco Kudhemaray Labada Beelood Ee Jeegaanta Ee Muuse Biixi Lagu Taageerayay
September 10, 2020 - Written by adminMadax-dhaqameedka Galbeedka Hargaysa iyo Madax-dhaqameedka Bariga Burco, ayaa wakhtigii olollaha doorashadii Madaxtooyada Somaliland Shir ay Magaalada Burco ku wada yeesheen waxay ku heshiiyeen qoddobo dhawr ah, kuwaas oo uu kamid ahaa cidda lagu wareejin doono Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Dhanka kalene madax-da dhaqan iyo Salaadiinta Habar-jeclo oo uu hoggaaminayey Suldaanka Guud ee beeshaasi Suldaan Cabdilaahi, ayaa iyaguna sheegay inay aqbaleen ergaddaas u timi isla markaana ay la dhiseen Madaxweynaha hadda xilka haya ee Muuse Biixi,balse waxay soo dhigeen saddex qoddob oo uu ugu mihiimsanaa kani “ shalay markii aanu wax doonaynay ballan ayeynu lahayn ballanku waa kii uun ,waxaad maanta haysaan waad soo wareejinaysaan,Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE beelaha Subaar Awal waxay ku wareejin doonnaan marka uu musharrax Madaxweynuhu xilka qabto Beelaha Habar-jeclo.” Ayuu yidhi Suldaan Sheekh Yusuf oo kamid ahaa salaadiinta Bariga Burco Geesta kalene Suldaanka Guud ee salaadiinta Subaar Awal oo guushii Madaxweyne Biixi ka gaadhay doorashadii Madaxtooyadda ee sannadkii 2017kii kadib socdaal ku tagay Magaalada Burco oo war-baahinta kula hadlaya ayaa uga mahadceliyey beelaha Bariga Burco sida ay uga soo baxeen ballankii ahaa inay dhisaan Madaxweynaha hadda,waxaanu xusay inay fulinayaan ballankii ahaa wareejinta Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,balse taas ayaan suurtagelin Gunaanadkii Madax-dhaqameedka beelaha Bariga Burco ayaa si dhaw ula socda xaalada KULMIYE galay hadda waxaanay ka dhursugayaan halka u ku dambeyn doono heshiiskii ay Burco kula geleen sannadkii 2017kii Madax-dhaqameedka Galbeedka Hargeysa ee uu hoggaaminayey Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan, kaasi oo ahaa in Guddoomiynimada Xisbiga KULMIYE lagu wareejin doonno Beesha Bariga Burco,waxaynu dhawr waa halka uu ku dambeeyo heshiiskii ay madax-dhaqameedka Galbeedka Hargeysa iyo Bariga Burco wada galeen ee wareejinta Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE halka uu ku dambeeyo iyo Suldaan Xasan iyo kooxdiisii inay ka dhabeeyaan ballankoodii. Source: Wargeyska Foore COMMENTS
|
||||
|
|
|||||