Wasiir Saajin Oo Beeniyay In kulmiye Maxamuud Xaashi Kusoo Daray, Sheegayna In Uu Rajaynayo Inuu Ku Guulayso Kursiga Hadda Saylici Ku Fadhiyo!
September 13, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)–Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa Ka hadlay hankiisa musharraxnimo, rejada uu ka qabo tartan uu Ugu jiro Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye.
Wasiir Saajin wuxuu sheegay inuu sheegay inuu buuxiyey Shuruudihii looga baahnaa Musharrax u ordaya kuraasta Hoggaanka Xisbiga Kulmiye, sidaasi darteed uu u rejo ka qabo inuu ku guulaysto xilka Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga Kulmiye oo uu hadda ku fadhiyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaa Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).