Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Oo Ka Digay In Xisbiga Kulmiye Ku Burburo Gacanta Madaxweyne Muuse Biixi
September 13, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ka hadlay Shirweynaha Xisbul-xaakimka Kulmiye iyo khilaafka durba hadheeyey, waxaanu soo jeediyey Talooyin gaar u ah Siyaasiyiin shaaciyey in aanay ka qayb-galaynin.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa kale oo uu ka hadlay Shir uu Toddobaadkii hore shaaciyey, waxaanu xusay inay wax iska beddeleen ujeeddadii shirkaa loo qabanayey.
Suldaanka oo Shalay u warramay Telefiishanka Bulsho ayaa isagoo ugu horrayn sharraxaya waxa iska beddelay Shirkii uu ugu hore ugu baaqay ee u dhexeeyay Beelaha Arab iyo Gar-xajis wuxuu yidhi “Shirku wuxuu noqonayaa Shir lagaga wada-hadlayo Talo-Qaran, waana muddo 30 Cisho gudahood ah inuu ku qabsoomo shirkaasi, Shirku maaha mid (loo qabanayo beelaha) Mataanaha, wuxuu isku beddelay Shir Talo-qaran ah, Beelaha Mataanaha iyo Beelaha kaleba way ka soo qayb-geli karayaan, Waayo? Talo-Qaran baa loo baahan yahay.”