Madaxweyne Donald Trump Iyo Xildhibaanad Ilhaan Cumar Oo Isku Haya Qorshe Lagu Soo Masaafurinayo Dad Soomaali Ah
September 13, 2020 - Written by admin
Washington(Berberatoday.com)-Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa si adag uga soo horjeesatay qorshe ay wadaan laanta socdaalka iyo kastamka dowladda Mareykanka, kaas oo sababi kara in Soomaali badan la musaafuriyo.
Dadka laga yaabo in lagu soo celiyo Soomaaliya waa dad si sharci darro ah ku jooga gudaha dalka Mareykanka, balse Ilhaan Cumar oo ka mid ah xildhibaanada aad uga soo horjeeda xukunka Trump ayaa diiday tallaabada maamulka Trump, ayada oo dhowr sabab sheegtay.