Aas Qaran Oo Xabaalaha Baqiic Ee Hargeysa Loogu Sameeyay Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin Iyo Madaxda Iyo Shacabka Somaliland Oo Aan Ukala Hadhin Ka Qeyb Galka
September 14, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Allah Ha Unaxariistee waxa Xabaalaha Baqiic ee galbeedka Hargeysa Aas Qaran loogu sameeyay Suldaankii Guud ee Beelaha Ciise Muuse Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin oo 10.09.2020 ku geeriyooday dalka Isutaga imaaraatka Carabta.
Aaska Marxuumka oo maanta duhurkii Soo gaadhay Hargeysa ayaa waxa siday Diyaarada Dallo Arirlines oo si khaasa loogu soo kireyay Marxuumka waxaana wehelinaayay Meydka Marxuumka Qaar kamida Eheladiisa uu ku jiro dhaxal sugaha Sadalada Suldaan Cali Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin oo Madaarka Cumaamada sadlada Cusub lagu saaray.