Madaxwaynaha Somaliland Oo Golayaasha Qaranka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur Oo Ku Geeriyooday Dalka Turkiga.
September 16, 2020 - Written by admin
TACSI MADAXWEYNE: 15/09/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, labada gole ee wakiilada iyo guurtida, gaar ahaan golaha wakiilada, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur oo ku geeriyooday maanta Dalka Turkiga, Magaalo madaxdiisa Ankara.