Madaxweyne Biixi Oo U Caddeeyey Mowqifkiisa Hirdanka Saylici Iyo Saajin Ergo Ka Socotay Beesha Madaxweyne Kuxigeenka Oo U Tegtay.
September 21, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa u caddeeyey mowqifkiisa ku aaddan loollanka adag ee u dhaxeeya Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ee kursiga afraad ee Xisbiga Kulmiye ergo shalay u tagtay oo ka socotay Beesha uu ka soo jeedo Cabdiraxmaan Saylici.
