Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Madaxa Xafiiska Uk Ee Somaliland Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!
September 21, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda JSL Aadam Xaaji Cali ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay madaxa xafiiska UK ee Somaliland Mr Stuart Brown, kulanka ayaa ugu horayn ku bilaabmay is-xog-waraysi ku saabsan xidhiidhka soo jireenka ah ee JSL iyo dawladda UK ay waddaagaan, iyo sidii loo sii wadi lahaa xidhiidhkaasi saaxiibtinimo.
