Taj Mahal: Dalxiiskii Qarniga Oo Dib Loo Furayo Iyo Qul-qulka Dalxiisayaasha
September 22, 2020 - Written by admin
Mumbai(Berberatoday.com)-Dad yar ayaa booqday dhismaha loo dalxiiska tago ee Taj Mahal ee Hindiya ku taalla, kaddib markii dib loo furay lix bilood kaddib oo ay xidhneyd.
Tallaabooyin hor leh oo dhanka badqabka dadka ayaa la soo rogay, waxaana la mamnuucay sawirrada koox kooxda loo galayo, baadhitaanka heerkulka qof iyo tikidhada lagu galayo oo online-ka laga jaranayo.
