Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga KULMIYE Oo Farriimmo La Waddaagay Ergooyinka
September 24, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xubnaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, ayaa ka hadlay halka ay u marayaan hawlaha qaban-qaabada ee shirweynaha, waxana ay farriimo muhiim ah u direen ergooyinka shirweynaha ka qaybgelaya ee ka imanaya gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Ugu horrayn xoghayaha guddida qaban-qaabada, Mudane Faysal Cumar Madar (Faysal Qumuj) oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday waxyaabaha ilaa haatan u qabsoomay, waxana uu sheegay inay guddi ahaan madasha shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE ugu talo galeen inay ka soo xaadiraan Kun iyo Boqol Ergay, islaa iyo imikana ay is diiwaangeliyeen tiro ergooyin ah oo dhan siddeed boqol iyo sagaal iyo toddobaatan ergay, isaga oo xubnaha aan weli is diiwaangelin ay waqtiga dhawraan oo ay kaadhadhkooda soo doontaan.