Raysal Wasaaraha Cusub Ee Dawlada Xamar Oo Helay Codka Kalsoonida Golaha Shacabka
September 24, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Goor-dhawayd Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub Maxamed Xuseen Roobe ee dhawaan Madaxweyne Farmaajo magacaabay.
Kulanka Golaha Shacabka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 215 Xildhibaan, waxaana Ra’iisul Wasaare Cod gacan taag ah kalsoonida ku siiyay 215 Xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada, mana jirin wax ka aamusay ama diiday.