Siyaasiyiin Miisaan Leh Oo U Ololaynaya Wasiir Saajin Inuu Ku Fadhiisto Kursiga Afraad Ee Xisbiga Kulmiye
September 26, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Iyadoo uu keebiga soo saaran yahay wakhtigii loo qoondeeyey inuu Magaalada Hargeysa uu ka furmo shir weynihii afraad ee Xisbiga KULMIYE,islamarkaana ay inta badan qateen kaadhadhkii ergooyinka ka qayb-gelayey shirweynaha Xisbi xaakimka KULMIYE,ayaa waxa muuqata inuu sii xoogeystay loollanka u dhaxeeya masuuliyiinta ku loollamaya kursiga keliya ee lagu tartamayo shirka ee Guddoomiye ku-xigeen afraad ee KULMIYE.