“Xisbiyada Waxaynu U Samaysanay Inaynu Kaga Gudubno Nidaamka Qabyaaladda..”Xildhibaan Nacnac
September 27, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Madax-dhaqameedka Somaliland uga digay inay ku milmaan Siyaasadda, kuna hadlaan hadalo umadda kala fogaynaya, waxaanu si gaar ah ugu jawaabay Boqor Buurmadaw.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “In laga dheeraado Qabyaaladda ayaa haboon, Xisbiyada waxaynu u samaysanay inaynu ka gudubno nidaamka qabyaaladda ee Madax-dhaqameedku maaha inay ku hadlaan hadalo caadifad ah oo qabyaaladda salka ku haya, Xisbiyadana reero iyo beelo ma wada leh ee dad is fahmay ayaa wada leh, laba qof oo walaalo ah ayaa kala Xisbi noqon kara, markaas Madax-dhaqameedku ha ka dheeradaan Qabyaaladda”.