Somaliland Oo Maamulka Dawlada Xamar Ku Eedaysay Dib Udhacyo Ku Yimid Wadahadaladii Laba Dal Ee Jabuuti Loogu Balansanaa!
September 29, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa maamulka somaliya ee uu hogaamiyo farmaajo ku eedeeyay masuuliyada dib udhacyo ku yimid wadahadaladii jabuuti ka dhici lahaa ee loo balansanaa taasi oo lagu waday in ay kulmaan gudiyo farsamo oo labada dhinac ka kala socday.
