“Maxay Iiraan U Taageertay Armeeniyada Kiristanka Ah, Ee Ay Uga Hortimi Azerbajan Oo ah Muslim Shiica Ah?Siyaasi Cali Mareexaan.
October 2, 2020 - Written by admin
Su’aashaasi dad badan oo caalamka ah ayey ka wareerisay waxayna u baahan tahay in laga jawaabo.
Sida la ogyahay labadaa dal ee jaarka ah waxaa u dhexeeya colaad guun ah oo diin, dhul iyo taariikhba leh. waxaa dagaalo culusi dhex mareen horraantii sagaashaamdkii markii labada dalba ay ka go’een Soofiytkii burburay. Dagaalkoodaa oo ku bilaabmay lahaanshaha buuralayda Nagorna karabakh oo ku yaala guduha dalka Azerbayjan aduunkuna u aqoonsan yahay in ay ka mid tahay dhulka Azerbayjan laakiin ay ku nool yihiin dad Armaaniyiin ah.
Habada Armeniya oo ah dal Kiristaan ah oo mararka qaarna loogu yeedho Isra’iilta Caucasuska, oo looga jeedo dal yar oo Kiristan ah oo lagu dhex googooyey dalal Islaam ah, waxaa si aan gabasho lahayn u taageera Ruushka oo markii horeba sameeyey. waxaa kale oo taageera Israa’iil.