Dowladda Soomaaliya Oo Muqdisho Ku Xidhay Ganacsato Xidhiidh La Sameeyey Al-Shabaab
October 2, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Ciidamada ammaanka ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan Muqdisho ku xidhay ganacsato iyo gaadiidley lagu tuhmayo in ay xidhiidh la lahaayeen ururka Al-Shabaab.
Ganacsatada xidhan oo u badan kuwo caan ah ayaa waxaa la sheegay in tiro ahaan ay gaadhayaan tobaneeyo, waxaana ku jira Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan oo ah ganacsade si weyn looga yaqaano magaalada Muqdisho, lana dhashay ganacsade Abuukar Cumar Cadaan.
Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah ehellada Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee Idaacada VOA ayaa sheegay in sababta loo xidhay ganacsatadan loogu sheegay inay la xadhiidho macaamil dhex maray iyaga iyo Al-Shabaab.