Madaxweyne Erdogan Oo Wacad Ku Maray In Uu Garab Is Taagayo Azerbaijan Oo Dagaal Kula Jirta Armenia
October 4, 2020 - Written by admin
Ankara(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dalkiisa uu garab taagan yahay Azerbaijan tan iyo inta laga xoreynayo gobolka uu dagaalka ka socda ee Nagorno-Karabakh.
Ciidammada Azerbaijan iyo kuwa Armenia ayaa ku dagaallamayaa gobolkaas lagu muransan yahay, dagaalka ayaa galay maalinkii lixaad.
“Waxay qalbiyadeena la jiraan walaalaheen iyo saaxibadeen Azerbaijan, Turkiga wuxuu hiil iyo hooba la garab taagan yahay Azerbaijan, dagaalka wuu sii socon doonaa tan iyo laga xoreynayo gobolka Nagorno-Karabakh”