Dowladda Masar Oo Dil Ku Fulisay 13 Xubnood Oo Ku Eedaysnaa Inay Ka Tirsanaayeen Ururka Akhwaanul Musliimiinka
October 6, 2020 - Written by admin
Qaahira(Berberatoday.com)-Dowladda Masar ayaa dil ku fulisay 13 Xubnood oo ku eedaysnaa inay ka tirsanaayeen Ururka Akhwaanul Musliimiinka ee dalkaasi lagu mamnuucay.

Telefishanka Watan TV oo xidhiidh la leh ururka Akhwaanu Muslimiinka Masar ayaa bartiisa facebooga ku qoray dilka 13 qof hase yeeshee Wargayska dowladda Akhbar al-Yawm newspaper ayaa daabacay in 4 qof dil lagu fuliyay.