Maxamed Binu Salmaan Oo Booqasho Qarsoodi Ah Ku Tegey Israa’iil.
October 7, 2020 - Written by admin
Riyadh(Berberatoday.com)-Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa dhowr jeer booqasho qarsoodi ah ku tegey Israa’iil, sida ay tabiyeen warbaahinta bariga Dhexe.
Dadka indh-indheeya xaaladda gobolkaas ayaa aaminsan in xidhiidh qarsoodi ah uu hore uga dhaxeeyay Sacuudiga iyo Israa’iil, laakiin ilaa hadda ma jiraan safaro la xaqiijiyay ilaa hadda.
Warka ku saabsan Booqashooyinka qarsoodiga ah ee Maxamed Bin Salmaan waxaa lagu shaaciyay Al Mayadeen TV, oo la hadlay saraakiil ka tirsan laamaha amniga Israa’iil.