Amiirka Cusub Ee Dawladda Kuwait Oo Golaha Wasiirrada Ka Codsaday In Aanay Is-casilin
October 7, 2020 - Written by admin
Kuwait City(Berberatoday.com)-Amiirka cusub ee Dawladda Kuwait ayaa Golaha Wasiirrada ee dalkaasi waydiistay inay Xafiisyada sii joogaan, ka dib markii uu Raysal-wasaaraha dalkaasi gudbiyey Iscasilaadda Xukuumaddiisa.
Raysal-wasaaraha Dalkaasi Sheikh Sabah al-Khalid al-Sabah ayaa la kulmay Amiirka cusub ee Kuwait Sheikh Nawaf Al Ahmad Al Sabah, kaasi oo awoodda la wareegay Arbacadii la soo dhaafay.
Raysal-wasaaraha ayaa kulanka uu la yeeshay Amiirka wuxuu ugu gudbiyey Icasilaaddiisa, taasi oo ka dhigan in Xukuumaddiisa oo dhami dhacayso, laakiin Amiirka ayaa Golaha Wasiirrada ka dalbaday inay sii shaqeeyaan, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Kuwait ee KUNA.